WARARKA SOOMAALI

Dagaal Beeleed ka Qarxay Gobolka Sanaag iyo wararkii ugu dambeeyay.

Laascaanood (HM ) Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka dagaal Qadhaadh oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed uu ka Qarxay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa haatan ka socda deegaanka Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, iyadoona la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, Waxaana la sheegay inuu dagaalku  salka ku hayo arrimo la xidhiidha dhul-daaqsameed oo ay isku qabteen maleeshiyaadka diriraya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu gubay Masjid, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo goobo kale, kadib markii la qabad-siiyey dab xoogan, Waxaana  jira khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac-ba leh, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo aan ka waayo Arag dhibaatooyinka laga dhaxlo Colaadaha iyo Dagaalka Sokeeye, Wuxuuna dagaalka maanta ka dhacay Gobolka Sanaag kusoo beegmayaa, Iyadoo dagaalo Sababay dhacdooyin Naxdin leh ay ka dhaceen Gobolada Sh/Hoose iyo Jubbada Hoose, Sidoo kalana uu dagaal Beeleed kale ka dhacay gobolka Galgaduud

SOMALI NEWS

To Top