63 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay ayaa laga diiwan gashay dalka sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya, halka 10 qof ay u geeriyootay, 34 ruuxna ka bogsatay.
Wasiir, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay dalka kala yihiin sidan; gobalka Banaadir (50), Puntland (9) Galmudug (3) iyo Hirshabeelle (1) qof ah, 32 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 31-na ay yihiin haween.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 15,788, waxaa bogsootay 7,729 Ruux. guud ahaan 847 ruux oo kale ayaa u geeriyootay Cudurka.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay muhiim tahay inay talada Wasaarada Caafimaadka qaataan iskana talaalaan cudurka Covid-19-ka, madaama uu soo laba kacleeyey keeni karona halis caafimaad oo xoogan.