WARARKA SOOMAALI

Dad careysan oo Maanta Banaanbax ka dhigay Magaalada Laascaanood, kadib markii…

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday dilalka qorsheysa ee ka dhacaya magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Maanta ka dhacay gudaha magaaladaas.

Dadka deegaanka oo isugu jiray dhallinyaro, haween iyo carruur ayaa isugu soo baxay Maanta bartamaha magaalada , iyagoona dhigay dibadbax ay uga xun yihiin falalka amni darro ee soo batay.

Dadka dhigaayay banaanbaxa oo waddooyinka qaarkood ee magaalada ku xiray dhagxaan ayaa dalbanayay in laga hortago dadka dilalka u geysanaya Haldoorka Gobolka Sool.

Sidoo kale dadka ayaa waxaa ay sheegeen in hay’addaha amniga magaalada ay ku fashilmeen wax ka qabashada amniga Laascaanood, isla markaana had iyo jeer ay dhacayaan dilalka qorsheysan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Booliska Somaliland ay tageen goobta uu ka socday banaanbaxa, iyagoona la tilmaamay inay rasaas ku kala eryeen dadkii isku soo baxay ee banaanbaxa waday.

Banaanbaxa ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada laas-caanood kudileen Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) oo kamid ahaa waxgaradka Gobolka Sool, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday.

Dad careysan oo Maanta Banaanbax ka dhigay Magaalada Laascaanood, kadib markii…
To Top