WARARKA SOOMAALI

Dad baabi’iyay Guryo ku yaalla Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Dabkaan ayaa barqannimadii Maanta ka kacay Guri ku yaalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhow beerta lagu iibiyo qaadka, waxaana dabkaas uu ahaa mid xoogan.

Dabka ayaa marka horey ka bilowday Guri, kadibna waxaa uu kusii faafay guryo kale oo ku deganaa, isla markaana waxaa uu socday muddo ku dhow saacad, wallow markii dambe la demiyay.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu geystay khasaaro hantaiyadeed oo badan, isla markaana uu baabi’iyay ilaa iyo afar Guri oo ay deganayaeen qoys danyar ah, kuwaasi oo dalbaday in gurmad lala soo gaaro.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tegay goobta oo bilaabay gurmad lagu deminayo dabkii qabsaday guryaha, waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen Waaxda dab demiska iyo dadka deegaanka ku guuleysteen deminta dabkaas

Guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga ka kacay dab geystay khasaaro kala duwan, waxaana mararka qaarkood gaadiidka dab demiska ku adkaata inay gaaran goobaha dabka ka kacaan, sababo la xiriira xaafadaha qaarkood oo ah kuw isku raran ah.

SOMALI NEWS

To Top