WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xildhibaan dil Toogasho ah Diriqi kaga bad baaday kadibna sharafta ka qaaday Farmaajo,Muxuu yidhi-Video

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa Qarax loo dhigay  kaas oo la rabay in naftiisa lagu Khaarajiyo Xildhibaan Maxamuud Abuukaato oo ka mid ah Baarlamaanka Golaha Shacabka isagoo ka hadlay Arimo Xasaasi Ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu Xildhibaanka ka bad baaday Qaraxaasi xilli uu marayey Xaafada Taleex isagoo sheegay inuu ka xun yahay kooxdii weerarkaasi la beegsatay.

Maxamuud Abuukaato ayaa gaarigiisa uu bur bur kasoo gaaray Qaraxa isagoo Eedeyn ujeediyey Dawlada uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu Xildhibaanku tibaaxay inay dareemayaan Ballan ka bax uu sameeyey sida uu hadalka udhigay Madaxweyne Farmaajo safar aan dhamaad laheyna ku aadaya dalka dibadiisa Amni daraduna noqotay Gudaha Waddanka mid sii laba jibaarantay.

Xildhibaan Maxamuud ayaa Shacabka ka codsaday dhankooda inay la shaqeeyaan Amniga si buu yiri looga hortego falalka Amni darada ah.

 

SOMALI NEWS

To Top