WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid oo ku biiray Mucaaridka Farmaajo iyo war lama filaan ah oo kasoo baxay-Video

Warar lama filaan ah ayaa kasoo baxaya madasha Horu-socod oo looga dhawaaqay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ku dhawaad Boqol Xildhibaan ayaa dhawaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya uga dhawaaqay madal cusub oo ay ugu magac dareyn HORUSOCOD, waxaana madax looga dhigay Cabdirashiid xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Haddaba dabagal dheer kadib ayaa lagu ogaaday cidda ka dambeyso madashaan iyo siyaasiyiinta sida rasmiga ah uga mid ah ololahaan ayaa soo ogaatay inay Madasha cusub kusoo biireen qaar ka tirsan Musharixiintii ka qeyb galay doorashadii dhawaan ka dhacay Soomaaliya ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.

Sida xogta sheegeyso waxaa madasha si rasmi ah ugu biiray Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo kamid ahaa musharixiintii doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya u tartantay, waxaana la xaqiijiyey inuu si weyn usoo dhaweeyey dhismaha madashaan isagoo kamid noqday siyaasiyiinta xubnaha ka ah ama ka shaqeenayo sidii loogu guuleysan lahaa danah loo dhisay.

SOMALI NEWS

To Top