WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasiirada cusub ee Maanta xilka la wareegay Wasaradda Maaliyadda Dr Bayle Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr Juxa-Video

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, kaddib munaasabad ka dhacday maanta dhacday.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo shaqaalaha.

HALKAN RIIX DAAWO WASIIRADA ARRIMAHA GUDAHA

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in intii uu xilka hayay ay horumar kala duwan ku tallaabsadeen, isla markaana Wasaaraddu howlo badan ka soo qabatay arrimaha Federaaleynta dalka iyo dhismihii maamul goboleedyada oo door weyn ku lahaayeen.

Mr Odawaa ayaa ugu baaqay wasaaradda inuu howsha halkeeda ka sii wado, isla markaana Wasaaradda marxalad kala duwan soo martay.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in uu uga mahadcelinaayo Odawaa waxyaabihii uu soo qabtay iyo horumarka uu Wasaarada gaarsiiyay Sanadyadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay tahay Wasaarad muhiim ah ,isla markaana ay si hufan ay ugu shaqeyn doonaan Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn ayaa waxaa munaasabada lagu soo bandhigay waqabadkii ay ku tallaabsatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Dhanka kale

Dr. C.raxmaan Ducaale Bayle  Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Soomaaliya ayaa Soo Bandhigay Qorshaha Wasaaradiisu ay ku doonayso Bixiinta Xuquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada, Wuxuuna sidoo kale sheegay in Qorsheyaashii  Madaxwaynaha iy Raysal wasaarahu soo Bandhigeen.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top