Mudaharaad Balaadhan oo maanta ay soo abaabuleen Barbaarta Gaashaaman iyo ganacsada iibinta Qaadka Miirooga ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool.
Shacabka ayaa ka soo hor jeeday lacago Cashuuro oo xad dhaaf ah taas oo Maamulka Somaliland sida ay sheegeen uu arrimo siyaadeed dartood dhakada uga saaray. Waxay kaloo shacabku ogaadeen danaha guracan ee Muuse Biixi iyo xisbigiisa Kulmiye ka lee yihiin gobolka Sool.
Shacabka Banaanbaxa dhigayey ayaa arrintan waxaa ay sheegeen in ay toos uga dambeeyaan Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Somaliland,Muuse Biixi iyo Faratoon oo is kaashanaya waxaana ay sheegeen in aysan wax loo dul qaadan karo.
Dadkan ayaa fariin cad dhagaha ugu riday Muuse Biixi oo isagu ah musharaxa xisbiga tallada Maamulka Somaliland haya ee Kulmiye waxaana ay sheegeen in usan cod kaga tashan Reer Sool oo uu ka tashado cod uu ka hello Laascaanood.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool aya mudooyinkii u danbeeyay ayaa iyadu ahayd mid la daala dhacaysay Sixir barar ba,an kaas oo ragaadiyey guud ahaan ganacsigii iyo horumarkii Gobalka kadib marki la qaadan wayay lacagta shilinka Soomaliga qaar kamid ah.
Sixir bararka ayaa saameyn wayn ku yeeshay Dadka Danyarta ah ee aan awoodin iyagu aan awoodin helida lacagaha Dollerka ah ee ganacsatada waa weyn iyo dadka dabaqada dhexe ah ay wax ku kala iibsadaan.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili uu Muuse Biixi ka dhex wado Bulshada Reer Sool olale baladhan oo uu doonayo in uu madaxa iskugu galiyo isla markaana uu ku kala furfuro isaga oo adeegsanaya Wax uu ugu yeedhay Olale Siyaasadeed balse la odhan karo mu aamarado siyaasadeed iyo isku dhufasho shacab oo lagu kala dilayo Dadka reer Laascaanood.
Hadaba waa sidee Siyaasadda iyo tabaha qarsoon ee Muuse Biixi uga degsan Sool Saanaag iyo cayn? Muuse Biixi Wuxuu siyaasiyan aaminsan yahay in Dhulbahante dhexdiisa la kala dillo colaada Dhulbahante iyo Habar jeclona la huriyo isla markaana aan nabad iyo siyaasad nabdoon aysan ka luga baxsan deegaanadan.
Sidoo kale Muuse Biixi wuxuu doonayaa in Beesha Dhulbahante Qoys la iskugu diro isla markaana colaad ragaaday oo la isku fara saaro ay ku nagaato deegaanka isaga oo u arka colaad kasta oo uu ka huriyo Soool Sanaag iyo Cayn in aysan sameyn doonin Beeshiisa.
Ugu danbeyn Banaanbaxan iyo fariintan maanta kasoo yeedhay ayaa waxaa au hor dhac u tahay sida reer Laascaanood ugu baraarugsan yihiin Siyaasadaha iyo Jilaafooyinka Huqda iyo hagardaamada xambaarsan ee uu Muuse Biixi ka wado Gobaladan.
HorufadhiMedia.com