WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ra,iisul Wasaare Khayre oo meel adag iska taagay Mushaharka Ciidanka Somalia iyo Shaqaalaha Dowladda-Video

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tilaabooyin si deg deg ah loogu bixinaayo Mushaaraadka Ciidamada xoogga dalka iyo sidoo kale Shaqaalaha dowladda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto Musuq maasuqa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsado” ayuu yiri ugu dambeyn Ra’iisal Wasaare Kheyre

SOMALI NEWS

To Top