WARARKA SOOMAALI

Daawo:RW Khayre oo ku dhawaaqay Talaabo haddii uu qaado uu ku fashilmi doono iyo Dowladdii Xasan Shiikh-Video

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday qorsheyaal cusub oo ay ku dhaqaaqeyso xukuumadiisa, kaasi oo saameyn ku yeelanaya arrimaha ammaanka caasimadda, kontrolka dhaqdhaqaaqyada Muqdisho iyo degaanada ku dhow dhow iyo qodobo kale.

Ra’iisal Wasaaraha oo wareysi gaar ah siiyay Telefishanka BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho loo xilsaarayo ciidamo gaar ah, isla markaana hubka magaalada lala dhex wareegayo la xadidayo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waxa ka duwan howlihii hore waa in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan amniga magaalada” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo sheegay in xukuumadiisu ay ku shaqeyneyso isla xisaabtan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in ka dowlad ahaan aanay iyagu ka adkaan karin Al-Shabaab, balse waxa uu sheegay in haddii shacabka iyo dowladda ay iskaashadaan laga adkaanayo ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay inuu dhammaaday wakhtigii shacabka Soomaaliyeed been beenta lagu leyn jiray, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan la kaashanayaan hay’adaha ku howlan arrimaha argagixisada caalamiga ah.

SOMALI NEWS

To Top