WARARKA SOOMAALI

Daawo:Qarax culus oo lagu weeraray Gudiga Gurmadka Abaaraha Somalia iyo Sh. Nuur Baaruud oo si dirqi ah uga bad baaday-Video

Qarax miino ayaa maanta duleedka Muqdisho lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Guddiga Gurmadka Abaaraha, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

Kolonyada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wafdi ka socday Imaaraadka Carabta iyo Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in mid ka mid ah gaadiidkooda lala beegsaday qarax, balse aanay cidna wax ku noqon.

Waxaa uu sheegay in gaarigooda uu bur bur soo gaaray, isla markaana ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Wafdi ka socday Imaaraadka Carabta iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa maanta booqan lahaa xero ku taal deegaanka Garasbaaley oo ay degan yihiin boqolaal qoysas ka soo barakacay deegaanada abaaraha ku dhufatay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii qarax lala eegtay Kolonyo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Hey’addaha UN-ka, kuwaasoo u kuur galayay xaalada dadka barakacayaasha ah.

SOMALI NEWS

To Top