WARARKA SOOMAALI

Daawo:Qalabkii ugu horeeyay ee Sadaasha Hawadda Somalia oo xadhiga laga jaray iyo Maamulka Somaliland oo warkan aan ku farxin-Video

Qeybtii ugu horeysay ee qalabka loogu talagalay Maamulka Hawada Soomaaliya si gaar ahna u quseeya saadaasha hawada oo maanta la Rakibay ayaa waxaa Xariga ka jaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibanao katirsan Baaralamanka Soomaaliya Masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowladda federaalka ah Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa sheegay inay rajeynayaan in la dhameytiro Qalabka Somaaliya ay ku maamuli doonto Hawada, Waxaana sidoo kale lasoo dhoweeyay Dhalinyaro soo Bartay Cilmigaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa inay lasoo wareegto maamulka hawada dhamaadka Bisha October ee sanadkan iyadoo dhawaan wasiirka gaadiidka iyo Duulsta hawada uu dalka Canada ku saxiixay heshiiskii u dambeeyay ee Somaaliya ay kula soo wareegeyso Maamulka hawadeeda.

SOMALI NEWS

To Top