Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Mamulka Hargeysa Muuse Biixi ayaa Odayaal aad u fara badan maalintii shalay Hargeysa Gaadhi kaaga guray Odayashan oo kasoo jeeda Beeshiisa ayuu u daabulay dhankaas iyo Magaalada Boorama ee Gobalka Awdal si ula soo shiraan Beesha Guda-biirsay oo uu Muuse Biixi Codka ka doonayo.
Muuqaal laga soo duubay kulan balaadhan oo ay ku yeeheen magaalada Boorama Hotel Rays ayaa muujinaya odayaasha oo leh waxaanu heshiis la galna Odayaasha Beesha Gudabiirsay si ay Codka Beeshaas loogu shubo Muuse Biixi.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Muuse Biixi oo kamid Hogaamiya yaashii dhiiga badan ku daadiyey Boorama ayaa ah nin aan aqoon qaabka loo Furfuro siyaasada waana Askari weyn oo aan aqoon siyaadeed oo Cilmiyeysan lahayn taas oo ku kaliftay in uu Qarash malaayiin ah ku bixiyo Odayaasha Beeshiisa si ay Codka Beesha Guda Biirsay Ugu Baadi Goobaan.
Wararka Horufadhi.com