Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo Maanta Warbaahinta Shir jaraa,id ugu qabtay Magaalaada Muqdisho ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Shacabka degaannada Somaliland, Xisbiyada, Hay’adaha Amniga iyo Madaxda tartantayba ayuu ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Deegaanada Soomaaliyeed Sida uu hadalka u dhigay.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Waxaa uu sheegay in doorashadii ka dhacday Deegaanada Maamulka Somaliland ay ku dhacday si Cadaalad ah.
Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo mideynta umadda Soomaaliyeed.