WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Munaasibadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay Boqolaal shacab ah oo ka qayb galay iyo Khudbadii Xasan Cali Khayre-Video

Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dhalinyaro ay ka qeyb galeen munaasabadan.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka warbixisay heerarkii uu soo maray Taariikha Calanka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in saddex calan uu soo maray xilligii gumeysiga.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in 13 dhalinyaro ay u soo halgameen xoriyadda maanta la heysto iyo qiimaha calanka uu leeyaha.

Sidoo kale  Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada ayaa soo bandhigtay magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah oo dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo munaasbada ka hadlay ayaa sheegay in halgan dheer loo soo maray sidii calan Soomaaliyeed loo heli lahaa, isagoo u duceeyay dhalinyaradii halganka u soo galay xornimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hambalyo u diray 63 guuradii ka soo wareegatay markii la taagay calanka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in calanka Soomaaliya uu yahay astaanta qaranka.

Munaasabadan maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12 October ayaa ah maalin la xuso,waxaana munaasabadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ay aheyd mid ka duwan kuwii horay uga dhacay dalka.

SOMALI NEWS

To Top