WARARKA SOOMAALI

Daawo:Magaalada Jowhar oo si weyn looga dareemayo Qaban qaabada Madaxweyne cusub,Xagee ku sugan yahay Cosoblle-Video

Waxaa magaalada Jowhar si aad ah looga dareemayaa u diyaargarowga doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ka dib markii 4-ta bishii la soo dhaafay Xildhibaanada Xilka ay ka qaadeen maadxweynihii maamulkaasi Cali C/laahi Cosoble.

Musharaxiin badan oo u hanqal taagaya xilka laga Eryayay Cali C/llaahi Cosoble ayaa gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle,waxaana la soo sheegayaa iney camiran yihiin Hotelada waa weyn ee magaalada oo buux dhaafiyay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo maamulka Hirshabeelle uu ku dadaalayo sidii loo qaban lahaa doorasho xor ah oo si nabad galyo ah ku dhacda.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan musharaxiinta soo gaaraya magaalada Jowhar,wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay in Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle qeyb ka noqdaan musharaxiinta u tartamaya madaxweynaha.

Xildhibaan C/kariim Cali Nuur oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa isku soo taagay doonista xilka madaxtinimo,wuxuuna rajo wanaagsan ka qabaa inuu xilkaasi ku guuleysto.

Dhanka kale,magaalada waxaa lagu arkayaa Boorar xayeysiis ah oo ay ku dhegan yihiin sawirada musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Qaban qaabada Doorashada madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamuud Yuusuf Baalle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney si wanaagsan u socoto qaban qaabada doorashada,islamarkaana mashquul laga dareemayo magaalada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo dhawaan magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in doorashada il gaar ah ay ku eegayaan,islamarkaana la ilaalin doono qaabka ay u dhaceyso si aanay qeylo uga imaan.

 

SOMALI NEWS

To Top