WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay Qabyaaladda Soomaali halaagtay iyo Siyaasiyiinta Xilalka ku raadinaya-Video

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weerar toos ah ku qaaday siyaasiyiin qaab qabiil xilal ku raadinaya.

Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu xusiyay 15-ka MAY, ayuu madaxweyne Farmaajo sheegay in dalkan uu ka dagi la’yahay dad dano gaar ah leh oo qabiil wax ku raadinaya.

“Dan guud kama shaqeeyo qofka qabiiliista ah, isaga ayaana wax walba isku koobaya”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo ka dhanka kale ka digay halista qabyaaladda.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay inuu ka xun yahay in herka uu qabiilka ka taagan yahay Soomaaliya ay gaartay in wadamo shisheeye ay ku dhex jiraan oo ay kala ilaaliyaan.

Hadalka, madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xili uu dareensan yahay inuu cadaadis qabiil ku saleysan kala kulmayo siyaasiyiin iyo odayaal hor boodaya qabiilada dalka.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top