Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa Wuxuu ka jeediyey Isku soo bax Balaadhan oo maanta Gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho, Kaasi oo looga hadlayey Qaraxii Soobe.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Madaxwaynaha ayaa sheegay in shacabka quluubtooda ilaahey isku soo dhaweeyay si cadawga u arkaan, dowladda la difaaco, waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka gargaarka fidiyay.
“Octobet 14, waxaa ay Ka tarjumeysaa in ay wixii hore aan laga jawaabin, Al-shabaab waxaa ay yiraahdeen intii hore ka badan in aan dilno weeye, Hotelo weeraraan sida Shaamow, waxaa ay qorsheysteen in shacabka aan mutacalimiin lahaanin, Harkaha iyo Saamaha oo ardey laayeen, waxaa ay rabaan in intan la eg laayaan..haddii aan ka jawaabin, dhibaatada waa sii badaneysa ilaa hilbaheena dhulka laga gurto” madaxweynaha ayaa sidaasi yiri.
“Annagoo ka jawaabeyna October, waxaan ku baaqaa, in shacabka bad-baadino, oo aan la dagaalno Shabaab, difaaca hooyooyinkiina, dariskiina iyo dalkiina, difaaca dalka waa muqadas, anigaa u horeeya oo safka hore galaaya”.