WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Cabdiweli Gaas,Telefan kula hadlay ugana Tacsiyeeyay Jabkii maanta gaadhay Puntland-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-Urur oo ka tirsan Degmada Galgala ee Gobolka Bari.

War saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa tacsi loogu diray qoysaskii ay ka baxeen askartii ku geeriyooday weerarkan ka dhacay deegaanka Af-urur.

“Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.”

“Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay taageero dhinac walba ah la garab istaagayso Puntland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top