Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Madax kala duwan waxaa uu kula kulmay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya sida ay xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda.
Madaxda uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ah Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump , Amiirka dalka Qatar iyo sidoo kale Boqorka Sacuudiga.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Dhammaan Madaxweyne Farmaajo Madaxdaasi waxaa uu kala hadlay Arimaha amniga iyo sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka qeyb galay furitaanka Xarun loogu tala galay in lagula dagaalamo Fikirka Kooxaha xajirka ah oo dowladda Sacuudiga ay maalgelisay.
Agaasimaha Xafiiska Warfaahinta Madaxweynaha Cabdinuur ayaa ka hadlaya kulamada Madaxweynaha, waxaana uu la hadlay VOA.