WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxdi Maamul Gobaleedyada ee Kismaayo ku sugnaa oo Deegaanadoodii maanta ku laabtay iyo Qodobada-Video

Madaxda afar maamul goboleed ee ka qeyb galay shirkii Wadatashiga ee magaalada Kismaayo ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanadooda, kaddib markii afartii cisho ee u dambeeyay ku sugnaayeen Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si kala duwan Madaxda Maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Puntland iyo Hirshabeelle ka sagootiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

C/wali gaas Madaxweynaha Puntland ayaa ka degay magaalada Boosaaso, halka Shariif Xasan uu dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna ka degay Cadaado, halka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa markii uu ka degay Boosaaso ayaa hadal uu siiyay Warbaahinta waxaa uu sheegay in shirkaas uu ahaa mid jawi wanaagsna ugu soo dhamaado, isla markaana lagu sameeyay madal ay wadaagaan dowlad goboleedyad,a taasoo uu tilmaamay in muddo laga fikirayay.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa markii uu ku laabtay Cadaado waxaa uu sheegay in wixii tabasho ee ay ka qabeen dowladda Federaalka ay ku soo bandhigeen shirka, ayna rajeynayaan wixii hada ka dambeeya mad-madowga jira wada hadal laga yeesho.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed oo uga imaanaya siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo bulshada, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen shirka Kismaayo inuu ahaa mid dirayay fariin ku saabsan sida maamul goboleedyada ay u doonayaan inay maroorsadaan awoodii dowladda.

SOMALI NEWS

To Top