Golaha Dhambaal oo ah Golle ay ku bahooben Aqooyahano,Qorayaal iyo waliba Cilmi-baadhayaal dhalinyaro ah ayaa caawa kulan Cilmiyeed si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey waxaa ay ku qabteen Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool.
Kulanka waxaa soo buux dhaafiyey boqolaal kamid ah bulshada reer Laascaanood,gaar ahaan Dadka sida aadka ah u xiiseeya Akhriska iyo qoraalka,Aqoonyahano Culimo udiin,qaar kamid ah Bahda Caafimaadka Gobalka,Abwaano,ururada inta badan ku ka shaqeeya arrimaha Horumarka iyo Maamulka Jaamacadda Nugaal.
Kulanku intii uu socday waxaa diirada lagu saaray arrimaha akhriska:Golaha Dhambaal iyaga oo ka duulaya yoolkooda ah in ay bulshada ku baraarujiyaan wax akhriska iyo ahmiyadda uu leeyahay qoraalku ayaa waxaa ay soo Bandhigeen tabo iyo xeelado cajiib ah oo mudan in lagu daydo isla markaana wax loo akhriyo,waxaana ay dhalinyaradii iyo dhamaan Dad weynihii madasha kasoo qayb galay ku booriyeen in ay wax akhriyaan iyaga oo ka codsaday in igu yaraan isku dayo Qof kastaa in uu Bishii akhriyo ugu yaraan Hal-buug si uu u kobco garaadkiisa isla markaana uu u yaraado raadka wax akhris la,aantu.
intaas kadib waxaa marti sharafti iyo ka soo qayb galayaashii madasha Su,aallo iyo waydiimo ku qotoma aqoon si waydaarsi ku aadan habka wax akhriska iyo sida loo hormarin karo is dhaafsaden,sidoo kalena waxaa madasha hadallo kasoo jeediyey dhalinyaradii kasoo qaybgashay madasha waxaana ay dhamaantood isku raaceen in la xoojiyo wax akhriska iyo qoraalka si loo gaadho Bulshooyinka inagaga horeeya wax akhriska.
HAKAN RIIX DAAWO VIDEO
Mid kamid ah kasoo qayb galayaashii madasha oo aan soo xiganay ayaa sida yidhi,,Wax Akhrisku wuxuu kor u qaadaa meeqaamka uu Qofku bulshadiisa ku dhex-leeyahay, waayo Qofku wuxuu bulshadiisa la wadaagaa wixii uu ka helay Buugtii uu soo akhristay.Aqoonta badani waxaa ay ku keydsan tahay Buugta kal duwan.Markaa inta suurtagal haday u suurta galayso Qof kastaa ha isku dayo inuu Buug la macaamilo. Dadka shiinuhu waxaa ay yidhaahdaan” A book holds a house of gold”oo ay uga jeedaan Buuggu wuxuu sidaa Guri dahab ah,,.
Gudoomiyaha Golaha Dhambaal Cismaan Cabdilaahi Kadiye,oo madasha soo xidhay ayaa ku dheeraaday ujeedadii iyo yoolkii laga lahaa aas-aaskii Madasha Dhambaal waxana uu sheegay in ujeedka ugu weyn ee loo dhisay Golahan ay tahay,Dabagalka iyo raacdeynta Cilmiga qaybihiisa kala duwan,daraaseynta iyo waliba Gorfeynta Buugaagta cilmiga,raadinta iyo soo gudbinta xogaha ku saabsan wixii kusoo biira marba Qaybaha kala duwan ee Akhriska waxaana uu uu sheegay in Goluhu Bil kasta uu dhameeyo hal Buug intaas kadibna kulan laga yeesho wixii laga faa,iiday hab qoraalkiisa iyo faa,iidada uu Bulshada u leeyahay kadibna lasoo Bandhigo.