Beesha Agoonyar oo kamid ah beesha Harti Abgaal waxay soo saartay war-murtiyeed ay ku dhaleecaysay Dowlada uu Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, beeshan oo uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif ayaana sheegtay in dowlada aysan wax xaquuq ah ka helin.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Waxaana Halkaasi ka hadlay Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha, Kuwaasi oo Warbaahinta la wadaagay waxyabaha ay ka Cabanayaan, Kuna eedaynayaan Madaxda Dawladda, Waxayna sidoo kale sheegeen inay leeyihiin Ciidamada ugu badan ee Dawlada ku jira.