WARARKA SOOMAALI

Daawo:Golaha Wasiirada cusub oo la kulmaya Mucaarad Xoogan iyo Cabsi laga qabo Ansixintooda+Warbixin xasaasi ah-Video

Xukuumadaan Cusub oo ka Kooban 68 Xubnood oo isugu jira 26 Wasiir, 26 Wasiir Ku Xigeeno, 15 Wasiiro Dowle iyo hal Ra’isal Wasaare Ku Xigeen ayaa Saacado ka dib Magacaabistooda Waxaa soo ifbaxay dhaliilo iyo Cabasho ku aadan habka beelaha Soomaaliyeed wax loogu qeybiyay.

Sidoo kale Saacado ka dib Waxaa soo baxday in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka soo horjeestaan qaabka uu Ra’isul Wasaaraha u xusay Xubnaha Golaha Wasiirada.

Dhanka kale Waxaa dhaliilahaasi barbar socda amaan loo jeedinayo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uusan sameyn la tashiyo fara badan oo ku aadan Xubnaha uu Magacaabay.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in uusan jirin isbadal weyn oo ka muuqdo Xukuumada maadaama sida ay sheegeen Siyaasiyiin horay xilal kala duwan usoo qabtay ay ka soo dhex muuqdeen.

Cismaan Dheere oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kana mid ah Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ra’iisul wasaraaha uusan sameyn isbadalkii uu balan qaaday balse uu beelaha Soomaaliyeed u kala badalay Wasaaradaha.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Iyadoo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Xubno Muhiim ah ka siiyay Xukuumadiisa ayaa hadana Waxaa jira Xildhibaano weli dhaliilsan oo ku baaqaya in aan la ansixin Xukuumada.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar aya sheegay in Codka Kalsoonida aysan siin doonin Xukuumada Cusub maadaama sida uu sheegay uusan la tashi la sameyn Baarlamaanka.

Siyaasiyiinta falan qeeya arrimaha Siyaasada ayaa sheegay in sababta uu Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre Xukuumadiisa ugu badiyay Xildhibaanada ay tahay in si dhaqso ah lagu ansixiyo Xukuumadiisa.

Siyaasi Cabdi Xasan Xeyle ayaa qaba aragtida ah in Xukuumadaan si dhaqso ah lagu ansixin karo maadaama ay Xildhibaano ka buuxaan.

SOMALI NEWS

To Top