Jeneraalka Itoobiyaanka ah ee ka tirsan saraakiisha IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed CabdulahI Farmaajo.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Jen. Gabre ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo xushmad darro weyn kula kacay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM markii uu dhowaan booqday magaalada Baydhaba.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhaba ayaa laga reebay inay salaan sharaf siiyaan madaxweye Farmaajo markii uu socdaalka ku tegay magaalada Baydhaba.
Gabre ayaa hoggaaminayay ciidamada Itoobiyaanka ee Koonfurta Soomaaliya qabsaday sanadkii 2006, waxaana lagu eedeeyaa inuu xasuuq ka geystay magaalada Muqdisho.