WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gabadh Soomaaliyeed oo Hurdo la,aan ku riday Cabdiweli Gaas iyo Duulaanka uu Imaaraadku kusoo qaaday Somalia-Video

Safiya Yaasiin oo ah Gabadh Aqoonyahanad ah oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa siwayn uga hadlay Xaalada ay Soomaaliya marayso Xiligan, waxayna soo bandhigtay duulaanka Qaawan ee Dawladda Imaaraadku ay kusoo qaaday guud ahaanba dalka, waxayna soo Bandhigtay Arimo badan oo Bulshada Qaarkood ka Qarsoonaa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale waxay siwayn u dhaleecaysay Go’aanka Hogaamiyaha maamulka Puntland oo ku Wareejiyey Dekedda Boosaaso, waxayna sheegay inuu Laaluush Badan siiyey Qofkii Arintaasi isku daya inuu ka hadlo, Waxayna wax laga Naxo ku Tilmaantay sida uu u dhaqmay Hogaamiyiihii loo Hanwaynaa ee dalkiisa u iibsaday.

Waxay Xustay Shaqada uu imaaraadku u dhiibay Cumar C.rashiid oo Horey loogu eedeeyo inuu Badda Soomaaliya Muran geliyey oo iibsaday, waxayna Bulshada Soomaaliyeed la wadaagtay Dar-daaran adag.

SOMALI NEWS

To Top