WARARKA SOOMAALI

Daawo:Faratoon oo Maanta Diyaarad kusoo galay Laascaanood iyo Shacabka oo aad u Hadal haya-Video

Waxaa maanta magaalada Laascaanood soo gaadhay xubno uu hogaaminayo Faratoon oo maamulka Somaliland ugu magacaaban wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Somaliland ee Hargeysa fadhigiisu yahay.

Faratoon oo ayaa maanta markii ugu horeysay Laascaanood ku yimid Diyaarad nooca safarka ah taas oo ka yaab satay Dhamaan dadka ku dhaqan Gobalka Sool sababta oo ahna Xitaa Siilaanyo Laascaanood Diyaarad kuma yimaado Faratoona Warkiisa Haba sheegin.

Faratoon ayaa saaka ka soo degay isaga oo saaran Diyaarad Garoonka Golle-yeedhay ee magaalada Laascaanood waxaana halkaas kusoo dhaweeyay xubnaha maamulka Siilaanyo ee ku sugan gudaha magaalada Laascaanood.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Shacabka Magaalada Laascanood ayaa aad u hadal haya Sababta Faratoon oo aan looga baran in uu Laascaanood ku yimaado Diyaarad uu maanta ku yimaado Diyaarad,Dadka Qaar ayaa waxaa ay isla dhex marayaan in Faratoon la siiyay Lacag aad u fara badan taas oo loogu tala galay in uu kaga qayb qaato Dadka abaaruhu madhiyeen ee Gobalka sool balse Faratoon ayaa lacagahaas sida ila lagu kalsoon yahay sheegayaan la aamusay waana ta maanta sababtay in Faratoon oo looga bartay in uu Laascaanood Afar Gaadhi oo kala jaad ah ku yimaado uu Diyaarad Laascaanood To Hargeysa usoo qaato.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top