WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Mareykanka oo fariin culus u dirtay Itoobiya iyo arrinta Soomaalidii Oramaddu Xasuuqday oo Kacsan-Video

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay dowladda Itoobiya in ay baaritaan deg deg ah ay ku sameyso 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Oramada ee dalkaasi ka socda.

Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa  sheegtay in dagaalka uu ahaa mid aad u xun oo lagu xasuuqay dadka Shacab ah oo aan waxba galabsan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dowladda Itoobiya ayaa laga dalbaday in ay la xisaabtanto dadka masuulka ka ahaa rabshadaha ka dhacay Bariga Itoobiya ee dadka lagu dilay.

Ugu yaraan 50 kun oo kale ayaa barakacay tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobolada Somalida iyo Oromada ee Itoobiya.

Maamullada deegaanada Soomaaliya iyo Oromada ayaa isku eedeeyay in la adeegsaday maleeshiyaad iyo ciidamada maamullada si ay u qaadaan weeraro aargoosi ah.

 

SOMALI NEWS

To Top