WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Farmaajo oo Lacag lama filaan ah ka heshay Bangiga Adduunka-Video

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Bangiga aduunka uu ugu deeqay lacag dhan 50 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Wasiirka maaliyadda xukumadda Soomaaliya C/Raxmaan Beyle ayaa sheegay in lacagtaas ay soo gaartay dowladda Soomaaliya, isla markaana loogu shaqeyn doono in lagu gar gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Isagoo ka hadlayay dhaqaalaha uso xarooda dowladda ayuu dhanka kale sheegay in dowladu ay faa’ido badan ka keento ilaha dhaqaale ee magaaladda Muqdisho, taasna ay ugu wacan tahay howsha oo ay dar dar geliyeen sida uu hadalka udhigay.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in ugu yaraan boqolkiiba 30 ay kordheen dhaqaallihii kasoo xaroon jiray garoonka iyo dekadda Muqdisho.

Si kastaba, dowladda ayaa dadaal ugu jirta in dhaqaalaha Muqdisho kasoo xarooda ay uga maaranto deeqaha caalamka uga yimaada, inkastoo ay adag tahay iney maamusho dhaqaalaha kasoo xarooda maamuladda kale

 

SOMALI NEWS

To Top