WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Farmaajo oo Galmudug la Ciyaartay Taa-tiko Yaab leh Doorashadii oo dib loo dhigay iyo Heshiis Qodoabadda-Video

Kadib markii magaaladda Cadaado ee xarunta  Galmudug ay xalay Wada hadallo ku yeesheen Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wafti uu hoggaaminayo ay la yeesheen   goleyaasha fulinta ee baarlamaanka Galmudug iyo guddiga doorashadda ayay ugu dambayntii waxay  wada gaareen heshiis la xiriira waqtiga ay dhacayso iyo qaabka ay u dhacayso  doorashada madaxweynaha Galmudug iyo wadahadal lagu heshiinayo Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Heshiiskan oo ka kooban illaa Saddex qodob ayaa dhanka dowladda Federaalka waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, halka dhanka Galmudug ay si wadajir ah ugu saxiixeen madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

  • in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug ee horey loo qorsheeyey iney dhacdo 10-April-2017, lana qabto 30-April-2017, taas oo waafaqsan codsigii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ahaa in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug.

  • Mudada u dhaxeysa 10-ka illaa 24-ka bishan April 2017 waxaa soconaya wada hadallada dib u heshiinta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca iyo hirgelinta qodobada heshiiskaasi kasoo baxa.

  • Mudada u dhaxeysa 25-ka illaa 30-ka bisha Afaraad ee 2017 waxaa la qaban qaabinayaa doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo dhaceysa 30-ka bishan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii uu waqti kooban ugu dhaqangeli lahaa heshiiskaasi ay saxiixeen.

SOMALI NEWS

To Top