WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cubitaalkii ugu Balaadhnaa Gobalka oo la xidhay Xaaladda Bukaanka oo halis ah iyo Rafaadka ka Taagan Deegaanka-Video

Maamulka Hirshabeelle ayaa amray in la xiro isbitaalka Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle oo ay gacanta ku hayso hay’adda Intersos ee xarunteedu tahay dalka Talyaaniga.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa xabsiga dhigay Madaxa Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad Cabdi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Isbitaalka Jowhar ayaa ka mid ah isbitaalka ugu weyn gobolka Shabeelaha Dhexe ee la dhigo dadka ay cuduradu soo ritaan.

Ibraahim Shariif oo ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka ayaa sheegay in aysan garayn sababta loo xiray ,isbitaalka Magaalada Jowhar.

 

SOMALI NEWS

To Top