WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Cabdiweli Gaas iyo Ku xigeenkiisa Camey oo isku murugsan iyo Khilaafkii ugu cuslaa oo Banaanka yimid-Video

Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Camey ayaa soo ifbaxay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Puntland, iyadoo kala aragti duwanaanta labada Mas’uul soo kala dhex gashay ay saameysay hey’adaha kala duwan ee maamulkaas.

Labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay qaatay go’aano iska soo horjeeda, taas oo banaanka u soo bixisay khilaafka ka dhashay go’aankii Puntland ka qaadatay xiisada Khaliijka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa todobaadkii hore mar uu ka dhoofayay Garowe waxaa uu ka soo hor-jeestay shirka Kismaayo uu ku baaqay Axmed Madoobe, waxaa uu shirkaas ku tilmaamay mid aan dan u aheyn umadda Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa shir khamiistii la soo dhaafay ku yeesheen magaalada Boosaaso, waxay ku taageereen, iskuna raaceen in shirka shirka Kismaayo ay ka qeyb galeyso Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa shalay ku dhawaaqay inuu shaqadii u fasaxay Taliyihii ciidamada Booliska Puntland, kaasoo bishii August uu shaqo joojin ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka, xilli uu safar dibadda ku maqnaa Gaas.

Madaxweyne kuxigeenka C/xakiin Camey ayaa todobaadkii hore u baxay safar fasax ah u aaday dalalka Kenya iyo Zambia, waxaa la sheegay in ka hor inta uusan u gudbin Kenya uu soo maray garoonka diyaaradaha Muqdisho oo uu saacado Transit ku ahaa,  isagoo la sheegayo inuu garoonka kula kulmay xubno aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo oo la rumeysan yahay inay ku riixeen go’aankii uu kaga soo horjeestay shirka Kismaayo.

Tallaabooyinka labadan hoggaamiye ayaa aad u kala duwan, waxaana muujinaya inuu jiro khilaaf aan qarsooneyn oo dadka falan-qeeya arrimaha Puntland ku tilmaameen inuu yahay kii u horeeyay oo muddooyinkan soo kala dhex gala Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa.

 

SOMALI NEWS

To Top