Caaqil Maxamuud Xaaji Ismaaciil oo kamid Cuqaasha iyo wax garadka Gobalka Sool isla markaana kamid ah Cuqaasha ugu tunka Roon Beesha Khayr Cabdi( Qayaad ) ayaa xalay lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO CAAQILKA
Caaqilka oo kamid ah waxgaradka dhexda u xidhay sidii nabad waarta looga dhex dhalin lahaa Beelaha walalaha ah ee Bahararsame iyo Qayaad ayaa xalay dabley hubaysan rasaas ku fureen xili oo aqalkiisa kaso baxay xaafadda Koonfureed ee magaalada Laascaanood.
Colaada Beelaha walahaha ah ee dirirtu ku dhexmartay Koonfurta Gobalka Sool ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa la waday dadaalo nabadeed oo lagu dhex dhexaadinayo labada belood waxaana ay waan waantaas marayse halkii ugu wacneyd.
Wixii war ah ee ka soo kordha dhaawaca Caaqilka halkan ayaan idiinka soo tabin doonaa hadii eebe ogaalaado.