WARARKA SOOMAALI

Daawo:Baabul Camey oo Afka furtay“Dowladda Farmaajo waxay heysaa wadadii dowladdii hore”iyo Mucaararad cusub-Video

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa dowladda Federaalka ku dhaliilay in aanay si cadaalad ah u qeybin gargaarka loogu tala galay umadda Soomaaliyeed, isagoo saluugay lacagta qoondada Abaaraha ee dhowaan la gaarsiiyay maamulkiisa.

 

 

C/xakiin Camey ayaa sheegay in maamulkiisa culeyskii horay u heystay uu ku soo furmay culeysyo kale, waxaana uu tilmaamay in dad ka soo jeeda afar maamul ay ku soo qaxeen.

Waxaa uu cadaalad darro ku tilmaamay in Puntland la siiyo lacag dhan 150,000 oo dollar, halka Somaliland la siiyay 200,000 oo dollar.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Dowladda Federaalka suurta gal ma ahan in dhaqaale badan inay siiso kuwo naga dad yar, naga dhul yar, horay ayaa u sheegay waa ku celinayaa dowladda Farmaajo waxay heysaa wadadii tii hore, umadda waxa la idinku dhiibay Koofurta iyo Bartamaha kaliya ma lahan, waa in aad si cadaalad leh ugu qeybisaan”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Puntland ayaa u muuqata mid durbaba siyaasadeyneysa arrimaha gargaarka sama falka iyo deeqaha loo qoondeeyay maamulada dalka ka jira, iyadoo lacagaha la gaarsiiyay qaarkood ay ahaayeen kuwo loogu kala qoondeeyay hadba baahida ka jirta deegaanada.

Guddiga Gurmadka abaaraha ee heer qaran ayaa dhowaan deeqo lacageed oo loogu tala galay gurmadka abaaraha gaarsiiyay dhamaan deegaanada maamul goboleedyada dalka, iyadoo deeqdii u dambeysay oo lacageed gaarsiiyay Maamulka Somaliland oo lagu wareejiyay lacag dhan 200,000 oo dollar.

SOMALI NEWS

To Top