WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Madoobe“Shirka Kismaayo Carqalad kuma aha Midnimada iyo Xasiloonida Somalia,,-Video

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaray tuhunka laga qabo shirka Kismaayo, isagoo ka dhawaajiyay in uusan waxba u dhimi doonin siyaasadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo shalay ka hadlayay soo dhoweynta Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in shirkan aanu carqalad ku aheyn xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Shirkaan wax carqalad ah kuma ahan xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, shirkaas waa mid wanaag lagu raadinayo oo aan tuhun ku jirin iyo wax xumaan ah”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in laan wax xumaan ah iyo dhib wadin laga garan doono natiijada ka soo baxda shirka oo noqon doona mid dani ugu jirto dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa ku qul qulaya magaalada Kismaayo, waxaa shalay gaaray Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, iyadoo maantana lagu wado inay gaaraan Madaxda Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Maalinta berri oo Axad ah ayaa lagu wadaa inuu shirka furmo, shirkan ayaa noqon doona kii u horeeyay oo gaar u dhex mara dowlad goboleedyada, iyadoo dowladda Federaalka ay banaanka ka joogto.

 

SOMALI NEWS

To Top