Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo markiii uu ku guuldaraystay Kursiga Madaxwaynaha Soomaaliya Qaatay Siyaasada Somaliland, Kuna Biiray Xisbiga Kulmiye ayaa Khudbad uu Xalay jeediyey wuxuu si yaab leh uga hadlay Waxa ay Bulshadu u taqaano muuse Cabdi iyo Wuuxu isagu ka bartay oo ka duwan midaasi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Muuse Biixi Cabdi waxaa dadku ku sheegaan Inuu yahay Gacan ku Dhiigle dad dilay, Sidoo kale inuu yahay Nin Qabyaaladiiste ah, Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu yahay Askari aan waxba dhegaysan “. Ayuu yidhi Samatar.
Hadaba Wuxuu sheegay inuu inuu Isagu dhankiisa ku arkay Muuse Biixi Dhowr Qodob oo ka duwan Kuwa Hore ee Dadku u Arkaan “Muuse Inuu yahay Qof Qayb kasoo galay Ururkii SNM ee dagaalka la galay dawladii Dhexe oo mudan in lagu ammaano !, Inuu Wasiir soo noqday oo uu yaqaano Khibrad sida loo maamulo Wasaarad, Inuu yahay Qof Adkaysi badan, Inuu yahay go’aan Qaadasho leh iyo inuu yahay Qof wax dhegaysta oo Aamin san in Dawladnimada kor loo Qaado”. Ayuu yidhi Prof. Samatar.