WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Xukuumadda Somalia oo War cusub kasoo saartay Imtixaanka shahaadiga

Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadcelisay dadaalka uu ku bixiyay qabsoomida Imtixaanka Fasalka 12,aad ee Dugsiga Sare.

Cismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaarada Ahna kusimaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashadda ayaa u mahadceliyay Boqolaalka Iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay Kaararka aqoonsiga Imtixaanka Fasalka 12,aad,(Roll Number).

Sidoo kale Agaasime Cismaaciil Yuusuf ayaa ku wargeliyay Iskuulada aan weli qaadan Kaarka aqoonsiga Imtixaanka in ay qaataan kama danbeys 4-ta bishaan June oo Maanta ku beegan.

Wasaaradda Waxbarashadda JFS, ayaa waxaa ay ku wargelisay Iskuulada aan weli qaadan Kaararka aqoonsiga (Roll Number), in ay masuuliyadaas iyagu qaadi doonaan wax door ahna Wasaaradda Waxbarashaddu aysan ku yeelaan doonin.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Xukuumadda Somalia oo War cusub kasoo saartay Imtixaanka shahaadiga
To Top