Waxaa maalinkii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuunadda Maxamed Xuseen Rooble.
Shirka Madaxda ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhaceysa ayaa waxaa la tilmaamay in horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.
Afhayeebka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo maalintii sadeexaad galay, waxaana uu sheegay in maanta hoos loo galay qodobadii doorashadda la xariiray ee la doonayey in xalka laga gaaro.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka Afhayeen Macalimuu oo hadlay.
