Maamulka Puntland ayaa ciidamo tirobadan soo dhoobtay jiida Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Somaliland, Waxaana la sheegay in Ciidamadan oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan laga keenay deegaano badan oo ka tirsan puntland.
Abaabulkan ciidan ayaa kusoo beegmaya xili Deegaanka faladhyaale ay ku sugan yihiin wasiiro katirsan puntland qaar Kamid ah xubnaha baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolada SSC ee Ku jiray Puntland, Cabdul cagalule oo ay madaxweyne udoorteen garab kamid ah khaatumo, siyaasi ahmed cabdi xaabsade, saraakiil ciidan, isimo, waxaana cabsi xoogan laga qabaa in maalmaha soosocda uu halkaas dagaal culus uu ka qarxo.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa si yaabo kala duwan uga hadlay Abaabulka Ciidan iyo Xubnaha ku sugan deegaanka Faliidhyaalle, Waxayna qaarkood sheegeen in dhinaca Puntland ay Qoraxda uun kasoo baxdo, Hadana aysan Rajjo ka qabin inay la wareegaan Gacan ku haynta Laascaanood