Hargeisa ( HM ) Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa safar ugu baxay dalka Guinea, oo la sheegay inuu marti-qaad ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde.
Wasiirka arimaha debedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah weftiga ayaa ugu horayn ka war bixiyey safarka weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxaanu maanta halkan kaga ambabixi doonnaa wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, weftigaas oo casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyada Guinea ee ku yaala galbeedka Afrika”
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Waxaana laga soo wada hadli doonaa xidhiidhada labada dhinac iyo wixii wanaag ah ee ka dhaxeeya, insha Allah saddex maalmood kadib weftigu halkan ayuu ku soo guryo noqon doonaa”. Ayuu yidhi Faratoon.
Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaya safarku waxay ka kooban yihiin wasiirada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta Caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya Marwo, Adna Aadan Ismaaciil.