WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaanadda Mooshinka ka wada Jawaari oo ku kala qaybsan kulanka Arbacadda-Video

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ku kala qeybsamay kulanka maalinta berri oo Arbaco ah loo balansan yahay, kaasoo qorshihiisa yahay in la geeyo Mooshinka, iyadoo laga cabsi qabo in buuq iyo fowdo uu ka dhasho.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ahaa Xildhibaanada hormuudka u ahaa shirka jaraa’id ayaa sheegay in mooshinka la keeno maalinta Arbacada ay wadaan shaqsiyaad degdegsan.

Waxaa uu sheegay in isaga uu ku talinayo in laga war sugo dhex dhexaadinta uu wado Madaxweynaha.

“Anaga waxaa qabaa in laga war sugo dhex dhexaadinta Madaxweynaha wado, dadka dhahaya Mooshinka Arbacada la keenayaa waa degdegsan yihiin, qaarkood waxay rabaan intii arrintan jiitami laheyd dhaqse lagu kala baxo, waana ra’yi shaqsiyadeed”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo la hadlayay Radio Mustaqbal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in wada hadalka uu ku rajo weynahay in laga gun-gaaro, isla markaana si aqbalaad leh ay arrinta ku dhamaato.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wali ku doodaya in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu wali haayo howsha maamulka, maadaama uu Guddoomiye Jawaari mooshin ka yaalo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka horboodaya ayaa sheegay in maalinta Arbacada oo berri ku beegan la horgeynayo Baarlamaanka mooshinka, halka Xildhibaanada ka soo horjeeda ay ka digeen kulankaas.

Khilaafka ka dhashay mooshinka Jawaari ayaa wali xal laga gaarin, iyadoo dadaalo iyo waan waan uu waday Madaxweynaha aanay wali mira dhal noqon.

SOMALI NEWS

To Top