Muqdisho ( HM )-Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa Waraysi Xiiso badan uga hadlay Arimo kala duwan iyo Xaalada dalka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ugu horayn wuxuu ka hadlay Heshiiskii dhowaan lagu gaadhay magaalada Muqdisho, ee Arimaha Doorashada, wuxuuna sheegay inuu soo dhowaynayo, “Waan ku faraxsanahay in la yidhi dalka Doorasho ayaa ka dhacaysa, Balse wuu soo daahay” ayuu yidhi Xasan sheikh.
Arinta Xildhibaanada gobolada Waqooyi (Somaliland) ayuu ka hadlay doorashada, wuxuuna sheegay in si gaar ah loola tashado dadka masuuliyiinta ah ee kasoo jeeda deeganadaasi.
“Anigu waxaan u arkaa Faragelin Doorashada lagu samaynayo, iyo Madaxwayne Farmaajo oo ah Nin Shaatigii uu xidhan lahaa Tolanaya”. Ayuu yidhi Xasan.
Xasan sheikh wuxuu sidoo kale ka hadlay Doorashada soo socda iyo Waxa laga filan karo, wuxuuna tilmaamay inuu rajjo wayn ka qabo Xildhibaanada soo socda “Ma jiro Qof soo saari kara, dad u codaynaya, taasi hortaa jire ayaa waayey”.
Diiwaangelinta Xildhibaanada (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) Dhaqaalaha Badan laga qaadayo ayuu sidoo kale xasan sheikh ku tilmaamay inay tahay “Qofka aan lacag haysan siyaasad ma geli karo , Dad badan ayuu jeebkoodu ciili doonaa, waana suurto gal in Musharixiinta madaxwaynaha Qaar uga hadhaan lacagta laga doonayo”.
Xasan sheikh Wuxuu dhaliilo kala duwan u jeediyey madaxwayne Farmaajo, Wuxuu sidoo kale ka hadlay magacaabista Raysal wasaaraha Cusub iyo Arimo kale oo Xasasi ah.
Horufadhi News