Muqdisho (HM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujiyay shirka 7-da bishan February ka dhacaya magaalada London, kaasoo looga hadlayo Shidaalka Soomaaliya.
Shirkan oo ay qaban qaabisay Xukuumadda Soomaaliya iyo Shirkad Spectrum ee dalka Kenya ayaa la filayaa in lagu suuq-geeyo Shidaalka Soomaaliya, laguna bixiyo xirmooyin blocks ah oo shidala baaris dhul ku teedsan 173,000 KM.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay walaaca uu Xisbiga uu hoggaamiyo UPD ka qabo shirkaas, kaddib markii ay war saxaafadeed ka soo saareen shirkaas iyo qorshayaashiisa
Wareysi uu siiyay Warbaahinta Kalfadhi oo ka hadasha howlaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xilligan u diyaarsaneyn ka faa’ideysi shidaalkeeda, iyadoo aanay jirin shuruucdii lagu hagi lahaa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Maanta lama gaarin weli maalintii aan sameyn lahayn shaqada London loogu balansan yahay, Waa run in ay dowladdu sheegtay in aysan waxaas jirin, laakiin hay’adihii caalamka ee shaqada qabanayey ee marti qaadka sameeyey ayey website-yadooda ku jirtaa, Waa (public) iska caddahay in konton (50) balook oo dhulka ka mid ah la iibinayo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya in ka Xisbi UPD ahaan aysan ka soo horjeedin in ay Soomaaliya ka faa’iideysato kheyraadkeeda shidaalka, balse waxa uu tilmaamay in, maadaama sida uu qabo aysan Soomaaliya u diyaarsaneyn ka faa’iideysashada shidaalkaas, ay halis ku soo kordhin karto dalka iyo dadkiisa.
“Annagu in Soomaaliya shidaal laga soo saaro kama soo horjeedno, laakiin uma diyaarsanin oo waa nala dilaa, ama dadka Soomaaliyeed hantidaan ay leeyihiin oo uu Illaahey siiyaa la dhacaa, oo dad ajnabi ahaa dhacaa, oo aan laga celin kari doonin berri ama anaga dhexdeenaa isku dirireyna” ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sh. Maxamuud.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay sameysato dhamaan waxyaabaha ku xeeran shidaal soo saaristeeda, ka hor inta aysan fulin inay shidaal soo saarto ay tahay in la sameeyo xeerarkii arrintaas lagu maamuli lahaa, hay’adihii qaranka ee ka shaqeyn lahaa shidaalka, sida halista shidaalka looga ilaalin lahaa deegaanka laga soo saarayo iyo sida ay Soomaalidu u qeybsaneyso oo loo baahan yahay in laga heshiiyo, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa uu leeyahay batroolku nidaam caalami ah oo adduunyada dalalka batroolka leh oo dhan ay ku dhaqmaan, kuwa si fiican ugu dhaqmana wey ka faa’iideyn, kuwa si fiican ugu dhaqmi waayana dhib iyo colaad iyo burbur hor leh ayey ka qaadeen, Annagu marka welwelka aan qabnaa waa labadaas”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.