WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Xasan Sheekh oo ka hadlay qaabka Qaraxyada lagu soo geliyo Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda ay fududeeyaan soo gelida magaalada Muqdisho gaadiidka ay Al-shabaab kasoo buuxiyaan waxyaabaha qarxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad carabka ugu adkeeyay in gaadiidka qaraxyada sida ay baraha Koontaroolada ay soo dhaafiyaan saraakiil ciidan, isla markaana Askarta amar kusiiya in la soo gudbiyo gaariga, sidaasina dadka shacabka Soomaaliyeed loogu dhibaateeyo.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay inay baaritaano ku socdaan saraakiil ciidan oo gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasoo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay iney tuhunsan yihiin iney ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Weerarkii ugu danbeeyay ee Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu lagu qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada, waxaana weerarkaas loo xiray Saraakiil ciidan, kuwaasi oo ay ku socdaan baaritaano.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Xasan Sheekh oo ka hadlay qaabka Qaraxyada lagu soo geliyo Muqdisho
To Top