WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyey la beegsatay Gaari ay la socdeen Dad shacab ah

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka dhacay duleedka magaalada Qurac Joome oo ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari nooca xamuulka ka qaado ah oo ay la socdeen dad badan oo shacab aah, kuwaasi oo kusii jeeday degaano ka tirsan Gobolka.

Muuqaal laga soo duubay qaraxa ayaa muujinaya baabuurka oo gubtay, isla-markaana burburay, sidoo kalena laga soo saaray hilbaha qaar kamid aha dadkii dhintay.

Sidoo kale waxaa gurmad u fidiyay shacabka ay waxyeelada soo gaartay dadka deegaanka oo ku baxay dhibaatada ka dhalatay qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxaas khasaaraha dhaliyey, Al-shabaab ayaa marar dhowr ah waxaa ay sidoo kale qaraxyo ula eegatay gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah.

Al-shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyey la beegsatay Gaari ay la socdeen Dad shacab ah
To Top