Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada weerarkii shalay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.
Xasan Sheekh oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Al-Shabaab.
Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Al-shabaab, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in laga ciribtiro Soomaaliya, xili shalay weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ku qaadeen Wisil.
Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii Wisil isaga oo dhaawacyada boqsosho degdeg ah u rajeeyay . “Eebbe ha u naxariisto muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii Wisil, bogsosho degdeg ahna ha siiyo dhaawacyada” ayuu raaciyay.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
In ka badan 40 qof oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug, waxaana Al-shabaab ay sheegeen inay ku dileen 34 Askari, iyadoona ay xusid mudan in dhaawacyada la keenay Magaalada Muqdisho.