Wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaanka Moyko iyo Baareey oo ka kala xiga dhinaca Koofur Bari iyo Waqooyi Bari caasimada dowlada goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.
Wabiga ayaa xalay ka fatahay deegaanka Moyko oo hal km dhinaca Koofur Bari ka xigta magaalada Jowhar waxayna biyaha jareen wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.
Fatahaada Moyko ayaa waxaa saameyn ay ku yeelatay guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaal koontaroolka Koofur magaalada Jowhar. Wabiga ayaa waxaa uu haatan gaaray wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.