WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiir arrin xun ka shaaciyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DFS

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Saciid Xamsa ayaa ka hadlay xaalad dhibaato ah oo ka jirtay Wasaraddaas xiligii uu xilka la wareegayay bishii Octoober 2020.

Wasiir Xamsa ayaa sheegay in markii xilka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha uu la wareegay aysan Wasaaradda laheyn Xafiis ay ku shaqeyso, isla markaana shaqaalaha ay ku shaqeyn jireen hotel iyo Guri.

Sidoo kale Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda ay fasax ahaayeen sanad iyo bar, isla markaana markii uu arkay xaaladda jirtay uu bilaabay in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha uu xafiis u sameeyo.

”Habenkii aan la wareegay Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxaan waayay Xafiis aan subixii u shaqo tago, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha Wasaarada sanad iyo bar fasax isaga jiray mushaarna qaadanayey” ayuu yiri Wasiir Xamsa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in Saddex bil ay ku qaadatay inuu Xafiis u sameeyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, uuna isku keeno shaqaalihii kala maqnaa, wuxuuna Carabka ku dhuftay in hadda Wasaaradda ay tahay mid socod barad ah.

SOMALI NEWS

To Top