WARARKA SOOMAALI

Daawo Wareysi:Xaalada Abaarata ee Degmada Horufadhi iyo Dadkii ugu badnaa oo kusoo Barakacay Markii Xoolihii Dhaafeen,Shuban biyood ka jira-Video+Sawiro

Iyadoo ay kasii darayso marba marka ka dambaysa xaalada adag ee abaartaa taas oo aafaysay guud ahaan Gayiga Soomaaliyeed khaas ahaana Gobalada waqooyoga Dalka Somalia ayaa degmada Horufadhi oo kamid ah Gobalka cayn ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag oo abaareed taas oo saamaysay dadka iyo Duunyadaba.

Khadar Xaashi dheere oo kamid ah Masuuliyiinta degmada oo u waramayey warbaahinta Horufadhimedia ayaa waxaa uu sheegay in ay deegaanka dadkii ugu badnaa kusoo bara kaceen kadib markii ay dhaafeen wixii ay Xoolo haysteen isla markaana ay cooshado ka dhisteen Duleedka magaalada Horufadhi halkaasna ay xaalado nololeed oo aad u adag ku haystaan dadkaas.

Khadar Xaashi wuxuu sheegay in sidoo kale cudurka shuban biyoodke ee ka jirey dhanka Buuhoodle ka dilaacay horufadhi dhawr qofna lagu arkay, wuxuuna sheegay inaysan jirin haba yaraateed xarun daryeel caafimaad oo wax lagaga qabto bukaankaas.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Jaaliyada Deegaanka.Hay,adaha Deeqaha Bixiya iyo Cid kasta oo arriaha sama falka ku shaqo leh ayuu Khadar Xaashi ugu baaqay in ay dadkan si deg ag ah usoo caawiyaan.

Wararka warbaahinta Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top