WARARKA SOOMAALI

Daawo Wareysi:-Ciidamadda Nabagalyadda Gaalkacayo oo Gacanta ku haya Ninkii Toogtay Wiilka iyo Aabihii-Video

Gaalkacyo (Horufadhi News) – Magaaladda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaa lagu dilay wiil iyo aabihiis oo isku mar la dil toogasho ah loogu gaystay,gudaha magaaladda.

Maxamuud Yaasiin Tumay Gudoomiayaha degmadda Galkacyo oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkii falkan gaystay ay gacanta ku hayaan Ciidanka Nabadgelyadda Magaaladda Galkacyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudoomiye Tumay waxaa uu sheegay in ninkaani uu hore uga tirsanaa Ciidamada, balse uu maskaxda ka haleelay cudurka Neerfaha, baaris lagu sameeyey xaaladiisa Caafimaad, kadibna laga ruqseeyey ciidanka.

Gudoomiyuhu waxaa uu xusay in ninkaani dilka ku gaystay qori,kasoo baaristiisu socoto cidii usoo dhiibtay, madaama uu yahay nin aanay wanaagsanayn xaaladiisa caafimaad.

 

SOMALI NEWS

To Top